Jump to content

User:Amin abdisalam sh abdulahi wrasame/Bacaadka

Ka Wikipedia

Qabiilka Jaarso wuxuu dagaa wadanka Ethiopia gaar ahaan kililada Soomaalida iyo kan Oromo-da, magaaloyinka ay asal ahaan u dagaan waxaa ka mid ah Jigjiga , Harar , Diredawa, Jinacsani, Tuliguleed, Ejersa Goro, Muliso, Mudhi Daawe, Horufadhi , jinacsani, Baabili, Gursum, Bombas, Ordo, Hawaday,Fayaanbiro, Fayaan Hujubo, Kombulsho, Haramaya, Diridawa, Dadar, Chiro , Daaru Laabu , Dhangago , qaybo ka mid ah Awash, Shawa , Walaga iyo gobolada Jarar, Baali, Daawe iyo Liibaan sidoo kale dalalka Somaliland iyo Soomaaliya


Umada Jaarso waa umad taariikh wayn ku leh Geeska Afrika waana qabiilki ugu hor yeeshay boqortooyo maamuli jirtay in badan oo ka mid ah wadanka Ethiopia Waxaana la odhan jiray Jaarso Sultanate boqortooyadani waxay kulmin jirtay oo hoos imaan jiray dhawr boqortooyo oo caanka ah Geeska Afrika ilaa hadana taariikhdooda lagu barto kuliyadaha, jaamacadaha iyo iskoolada wadanka Ethiopia waxaana ka mid ahayd boqortooyadii waynayd ee la odhan jiray Sultanate of Dawaro ee uu Amiirka ka ahaa Sheekh Ḥaydar (Haydara), (Dawaro waa beel ka mid ah qabiil waynaha Jaarso ), Boqortooyadaasi waxay lahayd xeer caan ahaa oo ay ku maamuli jirtay in badan oo ka mid ah dalka ethiopia xeerkaas oo loo yaqaan xeerka ilaa iyo hadana ay isku maamulaan dadka ku aftirsada qabiil waynaha .

==== Taariikh Fir iyo Isir ahaan Beesha Jaarso wax ay Ka soo jeedaa beelaha Direed Khasatan Madaxweyne Direed in kastoo iyagaa iyo qeybo beelaha Hawiye kamida ba ah ay Oromada Dhex Dagaan.


Taariikhaha Dhulka Beelwaynta Jaarso

Qabiil waynaha wuxuu Rabbi ku manaystay dhul barwaaqa ah oo aad u wanaagsan kuwasoo raadad taariikheed leh. raadadka taariikheed ee dhulka caanka ku tahay waxaa ka mid ah




waxaa kale oo ay lee tahay misena ay ku faani kartaa xeerka soo jireenka ah ee lagu magacaabo Xeerka Jaarso kaasoo u kala baxa Laba Qaybood , xeerarkaas oo ay qabiilada kale usoo doonan jireen si loogu kalo saaro marka ay is qabtaan dhexdooda iyagoo odhan jiray waa in aynu ku kala baxnaa xeerka , xeerkaas oo lagu aas aasay tuulada qadiimiga ah ee lagu magacaabo Foqosho. Qabiil waynaha Jaarso waxay ku fadhiyaan dhul aad u balaadhan oo ka mid ah dalka Ethiopia.

Umada Jaarso waa umad ku hadasho laba luuqadood, 60% waxay ku hadlan Af-Oromo 40% waxay ku hadlaan Af-Soomaali.


Qabiilka Jaarso waa beel nabad jecel isla markaana aad u ixtiraamta beelaha ay wada degaan waxaana daliil kugu filan qabiilada kale ee ay soo dajiyeen dhulkooga iyagoo siiyay beero ay quutan iyo deegaan u gaar ah taasina waa dabeecadaha ay caanka ku yihiin.

Beelwaynta Jaarso waxay u kala baxdaa:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jaarso wuxuu dhalay (6) wiil sida la sheegana Sadex waa isku bah sadexda kalana waa isku bah waxaana loo kala qaybiya Labada Bahood iyo waxayna kala yihiin


  1. Beesha Waro Dhaqo ( Reer Dhaqo )
  2. Beesha Waro Sayo ( Reer Sayo )
  3. Beesha Walaabi
  4. Beesha Waro Oogo ( Reer Oogo )
  5. Beesha Dawaro
  6. Beesha Oroma


Erayga `Waro` waa eray oromo ah wuxuuna la mid yahay `Reer´


1. Beesha Dhaqo waa (7) Jilib

              * Wara Yan’a
              * Wara Yaanyo Igo
              * Wara Maxamed
              * Wara Yaanyo Guyo
              * Wara Akaako
              * Wara Areelo
              * Wara Karayu

2. Beesha Sayo waa 3 jilib

              * Wara Buuko
              * Abiye
              * Oroma

3. Beesha walaabi waa 3 jilib

              * Wara Cusmaan 
              * Wara Cumar 
              * baalcad
 

4. Beesha Dawaro waa 3 Jilib

              * Wara heeban
              * Wara botor
              * wara boro
          
         

5. Beesha Oogo

6. Beesha Orama waa 3 Jilib

             * Wara Xamido
             * Wara Cali
             * Wara Diyo
           
                                                                               Amin abdisalam sh abdulahi wrasame