Jump to content

Tuliguled

Ka Wikipedia

- Geri Koombe - gumaysiga laga Soo horjeedsatay beeshii ugu horaysay ee gumaystaha kasoo horjeedsatay waxay ahayd beesha geri koombe Madama aw xiligaa Degaanka somali galbeed aw maamuli garaadka beesha geri koombe garaadku waxa aw shir ugu Qabtay somaalida galbeedka magalada Tulli guleed halgankina way bilaabeen Tuli guled waa magaalo taariikhi ah, waxay ku taal bariga Ethiopia, waxay u jirtaa magaalada Jigjiga ilaa 30 Km, dhanka galbeedna waxaa ka xiga magaalada Jinacsani, Tuli guuleed waa magaalo beeralay ah waxayna ka mid tahay degmooyinka ugu wax soo saarka badan Kililka Soomaalida Ethiopia.

waa degmooyinkii ugu horeeyay ee ka horyimid kaligii taliyayaashii Xayla Siilaasiiyo Mengista Xayle Maryam, tuli guleed waxay ka mid tahay meelihii lagu soo dhaweeyay qoraakii taariikhda geeska afrika ee la odhan jiray Richard F. Burton. Tuli guleed waxay ka mid ahayd magaalooyinkii looga qaadi jiray qamadiga iyo hadhuudhka wakhtigii ay abaarihii ba'naa ka dhaceen wadamadii india iyo china. sidoo kale waxaa raashiin looga qaadi jiray abaarihii ka dhacay wadama yurub wakhtiyadii ay socdeen Dagaalkii Labaad ee Aduunka sanadku markuu ahaa 1938-dii.

Waxaa kaloo lagu xasuustaa dagaaladii badnaa ee ka dhacay degmada oo uu ugu darnaa dagaalkii Kanooniga ee u dhaxeeyay Garaadka guuud ee geri Koombe iyo dadkii uu xukumi jiray iyo boqor Xayla Siilasi.

Waxa loogu bixiyey konooniga " the artilleri war" markii uu garaadka Geri koombe uu amar ku bixiyey in aan la bixin cashuurta xabashida oo loo yaqaanay "GIBIR" ayaa boqortooyadii xayla silaalse amar ku bixisay in madaafiic lala dhaco , taas oo keentay in qasab lagu bixiyo cashuurtii. Waxa aad si fiican uga aqrisan kartaa Garaadka geri koombe iyo dhulka uu ka talin jiray buuga la yidhaa THE First footsteps in east africa , isaga oo garaadku dhulka u dhaxeeya jigjiga ilaa herar aad umada ugu talin jiray.

Liipato waa tuug wuuxuna ka mid yahay dadka ugu caansan ee Gari Koombe.